Heemaal News Network

Khasaaro ka Dhashay Dagaal Beeleed ka Socda Gobolka Hiiraan.

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal sababay khasaaro dhimasho & dhaawac ah oo Maanta duleedka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ku dhex-maray laba maleeshiyo Beeleed oo halkaasi wada dega.

Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaanka Nagaarta oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaana uu salka ku haaya Baraago iyo lahaansho deegaan,dhowr jeer oo horey sidaan oo kale ay dagaalo uga dhaceen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka inta la xaqiijiyay hal ruux uu ku geeriyooday saddex kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhamaadood ah maleehiyaadkii dagaalamay.

Labada maleeshiyo Beeleed ee uu dagaalka dhex-maray ayaa waxaa ay kasoo kala jeedaan gobolada Hiiraan & Galgaduud, waxaana dagaalkooda uu yahay mid dhowr jeer soo laab laabtay. Isla markaana uu buray heshiis la kala dhex-dhigay.

30kii Bishii la soo dhaafay ee November 2020 ayaa Saraakiisha qeybta 27aad & taliyeyaasha Booliska degmooyinka Guriceel & Matabaan ee Gobolada Galgaduud & Hiiraan waxaa ay ku guuleysteen inay heshiis dhex-dhigaan labada Beelood, hayeeshee markale uu dagaalkooda soo cusboonaaday.

Related posts

Qaramada Midoobey Oo Gali kari Wayday Gobolka Tigrey Walaac-na ka Muujisay.

Heemaall

Qaramada Midoobay Oo ka Hadashay Maalgashiga Turkiga Ee Somaliya.

Heemaall

Erdogan Oo si Debacsan Uga Hadlay Xiisadda Turkey Iyo Mareykanka.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More