Heemaal News Network
Caalamka

Khasaaro ka Dhashay Duqayn Caawa loo Gaystay Saldhiga Mareykanka Ee Ciraaq.

Dhowr gantaal ayaa ku dhacay garoonka diyaaradaha ee Ciraaq ee waqooyiga Baqdaad halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka.

Waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen Afar ka mid ah Ciidanka Cirka dowladda Ciraaq.

“Saddex askari oo reer ciraaq ah, oo waardiye ka ahaa irida garoonka, ayaa ku dhaawacmay duqeynta,” ayuu yiri Goobjooge.

Ma jirto Cid sheegatay Mas’uuliyadda weerarka, waxaana xusid mudan in todobaadkii lasoo dhaafay la duqeeyay Saldhigyadda Mareykanka Ciraaq oo Iran ka dambeysay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More