Heemaal News Network
somali

Khasaaro ka Dhashay Madaafiic Lagu Garaacay Madaxtooyada Somaliya.(Sawiro)

Waxaa goordhaw tiro madaafiic ah lagu garaacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo kutaala degmada Wardhiigley, madaafiicda qaarkood ayaana ku dhacay xaafado iyo xarumo kale oo ku dhaw dhaw Villa Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay ilaa shan madfac ayaa kusoo dhacay agagaarka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana goobaha ay madaafiicda ku dhaceen kamid ah guryo shacab, agagaarka Tayaatarka Qaranka iyo sidoo kale Xabsiga Godka Jilacow.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay madfac kusoo dhacay guri kuyaala Waaxda koobaad ee Janaraal Daa’uud ee degmada Wradhiigley, waxaa sidoo kale lasoo sheegayaa in khasaaro kale jiraan.

Wali lama oga in madaafiicdan gudaha ugu dhaceen xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo bartilmaameedku la sheegay in uu ahaa, waxaa socda baaritaano ku aadan weerarkan madaafiicda ay wadaan laamaha amaanka.

Al Shabaab ayaa horey marar badan madaafiic ugu garaacday Villa Soomaaliya, waxa ayna duqeyntan imaaneysaa xili magaalada ay ka jirto xiisad ka dhalatay mudo kororsiga Golaha shacabka u sameeyeen Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.

Related posts

Nuxurka Qudbad Uu Jeediyay Madaxwayne Biixi Oo La Ciiday Shaacabka Hargeysa.

Heemaall

Amisom Oo Go’aan Ka Qaadatay Xasuuqii Kenya Ka Gaysatay Gobolka Gado

Heemaal

Dhalinyaro Banaan-bax ka Dhigay Oo Maanta Xirtay Wadada Dal-jirka Dahsoon.

Heemaall