Heemaal News Network
somali

Khasaaro ka Dhashay Qarax ka Dhacay Dowlad Degaanka Somalida Itoobiya.(Sawiro)

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa uu ka dhacay Degmada lagu Magacaabo Sagag, Gaar ahaan qabalaha karin-barkhadle ee dowlad degaanka Soomaalida, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawac ah iyo burbur hantiyadeed.

Qaraxa ayaa waxaa uu haleelay gari ay leedahay Shirkadda dhismaha ka wada wadad isku xirta Degmada Sagag & dhagaxmadow, waxaana wararka horudhaca ah ay xaqiijiyeen inay qaraxa ku dhaawacmeen Afar Ruux oo Gaariga saarnaa.

Warraka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qaraxa miino uu ahaa haraadiga hubka dagaaladii dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaana dhowr jeer sidaan oo kale ay miinooyin u qarxeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowlad degaanka Soomaalida ayaa gaaray halka uu ka dhacay qaraxa, iyaga oo goobta ka qaaday dhaawaca Afarta Ruux, waxaa sidoo kale uu burbur xoogan gaaray Gaariga uu qaraxa qabsaday.

Related posts

Wasiir Saajin Oo Ka Hadlay Qaabka loo Xulay Murashaxiinta X/Kulmiye Ee Awdal Iyo Salal

Heemaall

Qodabada Heshiiska Laga Gaaray Arimaha Doorashada Somaliya.(Akhriso)

Heemaall

Khasaaraha 13 Oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Galbeedka Kenya.

Heemaall