Heemaal News Network
somali

Khasaaro Nafeed Oo ka Dhashay Madaafiic Ciidamada AMISOM ku Garaaceen Qoryooleey

Ciidamo katirsan kuwa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay tiro madaafiic ah ku garaaceen Xaafado katirsan degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Hoobiyeyaal ku dhacay Guryo kuyaalla Xaafada Hodan ee degmada Qoryooleey uu ku geeriyooday hal Ruux laba kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.

Waxaa dadka degaanka ay ku eedeeyeen Ciidamada AMISOM inay si ula kac ah madaafiicda ugu garaaceen guryaha dadka Shacabka ah ay degan yihiin, kadib markii ay weerar kala kulmeen Ururka Al-Shabaab.

laamaha Amniga iyo Maamulka degmada Qoryooleey ayaan weli ka haelin madaafiicdaas dadka Shacabka ah ku waxyeeloobeen ee lagu garaacay degmadaas, iyada oo dhowr jeer Ciidamada AMISOM sidaan oo kale madaafiic ay ku garaaceen degaano katirsan Shabeellaha Hoose ay ku waxyeeloobeen dad Shacab ah.

Related posts

Xisbiga Kulmiye Oo Kulan Ka Yeeshay Loolanka Shir Gudoonka Oo Cirka Isku Shareeray.

Heemaall

HRW Oo Ka Walaacsan Ciidamada Maraykanka Ee Somalia La Keenay

Heemaall

Shaqaalaha Heemaal News Oo Tacsi U Diray Qoyskii Uu Ka Baxay Cabdiraxmaan Xaaji Maygaag

Heemaal