Heemaal News Network

Khayre Iyo Guuleed Oo Kulan Saacado Qaatay Ku Yeeshay Magaalada Garowe

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ahna Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa xalay magaalada Garoowe kula kulmay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulankan oo ka mid ahaa kulamo doceedyo ka dhacay magaalada Garowe ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashada dhacaya bilowday sanadkaan 2021, xili uu weli muran ka taagan yahay.

Labada Mas’uul oo kulankooda qaatay saacado ayaa iska xog-wareystay arrimo kala duwan iyo sida ay ku dhici karto doorasho nabad ah oo heshii lagu wada yahay, waxaana Mahdi uu guuleed uu u mahadceliyay RW hore Kheyre.

Xasan Kheyre iyo Mahdi Guuleed ayaa ahaa saaxiibo soo wada shaqeeyay kahor inta uusan Kheyre iska casilin xilka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, mana jirin wax kulan toos ah oo dhax maray labada mas’uul markii xilka iska casilay Kheyre.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland uga qeyb galay Shirka sanadlaha ee Machadka Heritage oo looga hadlaayay xaaladda dalka iyo doorashada dhaceysa.

Related posts

Lataliyihii Madaxweynaha Puntland Oo Geeryooday

Heemaal

Ganacsato Laga Gubay Gaadiid Ay U Rareen Shabeellaha Hoose.(Sawiro)

Heemaall

Wariye Caanka ah Ee Macallimuu Oo loo Magacaabay Afhayeenka Xukuumada Rooble.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More