Heemaal News Network
Soomaaliya

Khayre Oo QM Kala Hadlay Gunnadii Ku Waajibtay Ee Ay Soomaaliya Bixin Wayday

Ra’iisul Wasaaraah Xukuumadda Federaalka ah ee Soomalaiya Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Muqdisho Muqdisho waxaa uu kulan kula qaatey Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Kulanka ayaa labada masuul waxaa ay uga ka wada hadlaeen qodobbo ay ka mid yihiin arrimaha mudnaanta qaran leh ee 2020 iyo sida ugu habboon ee Qaramada Midoobay u taageeri karto ahdaafta dalku uu leeyahay, waxuuse kulankani dhacay saacado kadib markii qaramada midoobay sheegtay in Soomaaliya luminayso xubinta codka ee ay ku leedahay qaramada midoobay, sobobta oo ah iyada oo aan bixin gunnadii qaramada madoobay ee ku waajibtay.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Qaramada Midobey uga mahad celiyey taageerda ay siiyaan Soomaaliya iyo doorka ay ku leeyihiin arrimaha Amniga iyo dooraashooyinka.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Amb, James Swan ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay mar walba ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya ee dhinacyada,Amniga iyo dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More