Heemaal News Network

Khayre: Weerarkii Xalay Waa Bilawga Cabudhinta Iyo Siyaasadaa ,,,,

Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray ku sheegay in ay ciidanka dowladda weerar ku soo qaadeen hotel Maida oo ku sugan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Kheyre ayaa sheegay inay talaabadani ahayd midii ay muddo hore ka digeen taasoo ah bilowga natiijada siyaasadda xukun isku dhejinta ah, wuxuuna ciidamada dowlada ugu baaqay inay shaqadoodu tahay sugida amniga balse ay xalay sameeyeen talaabo qaldan.

Hoos ka akhriso:

Weerarka caawa saqdii dhexe lagu qaaday hotelka ay magaalada Muqdisho ka deganyihiin Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed, iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka, Shariif Xasan Sheekh Aadan, waa bilowga natiijada siyaasadda xukun isku dhajinta ah ee aan ka digeynay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Waana ibafurka farriimahii xambaarsanaa dhiilada colaadeed ee maalmihii tagay kasoo yeerayay hey’addaha dowlada ee muddo xileedkoodii dastuuriga ahaa uu dhamaaday. In mas´uuliyiin iyo shacab Soomaaliyeed weerar toos ah oo xabado loo adeegsaday lagu qaado, naftooda iyo maalkoodana halis la galiyo, si looga hor istaago ku muujinta dareenkooda si nabad ah, iyaga oo gudanaya waajibkooda muwaadinimo iyo xuquuqdooda dastuuriga ah, waa arrin si xilkasnimo la’aan ah loogu bareeray in masiirka dalka lagu burburiyo.

Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqayaa inay adkeeyaan midnimadooda bulsho, ayna si wadajir ah meel uga soo wada jeestaan xukunka ku dhisan kali-talisnimada ee dhaxalkiisa aan horey usoo aragnay.

Related posts

Umal Oo U Jawaabay Gudoomiyaha Aadanka Masaajidyada Dhibsada Ee Galkacyo

Heemaal

Nin Lagu Tuhunsan yahay Al Shabaab Oo Lagu Xiray Dalka Turkiga.

Heemaall

Beesha Caalamka Iyo Madaxda Maamul Goboleedyadda Oo Shir Hadda U Socdo

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More