Kheyre Oo Kulamo Siyaasadeed ka Bilaabay Magaalada Nairobi.

Ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kadib dhowr maalin uu ku sugnaa magaalada Jabuuti.

Kheyre ayaa intii uu Jabuuti joogay wuxuu kulamo la qaatay madaxda sare ee dalka, waxaana kamid ah Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo kala hadlay xaaladda Soomaaliya iyo doorashooyinka dalka.

Dhinaca kale, markii uu gaaray waddanka Kenya, waxaa soo dhoweeyay siyaasiyiin, isagoo halkaas ka billaabi doona ololahiisa musharraxnimo, waxaana la filayaa inuu halkaas ka billaabo kulamo uu la qaadanayo siyaasiyiin badan oo Soomaaliya, sida ay ku warramayaan Ilo ku dhow xafiiskiisa ololaha doorashada.

Magaalada Nairobi ayaa waxaa jooga musharraxiin badan oo doonaya iney u tartamaan xilka ugu sarreeya Soomaaliya.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy