Heemaal News Network

Khubaro Caafimaad Oo Shaaciyey Xog Cusub Oo Lagu Ogaaday Baaritaanka Covid 19 Lagu Sameeyay.

Seynisyahanno ayaa sheegay in fayrasyada nooca corona oo isku bah yihiin cudurka Sars-CoV-2, ay suuragal tahay inay ku dhex wareegayaan Fiid-meerta ku nool dalal badan oo ku yaalla qaaradda Aasiya.

Fayras aad ugu dhow fayraska Sars-CoV-2, oo sababa cudurka Covid-19, ayaa laga helay xayawaannada Fiid-meerta ee ku nool dhulka keymaha ah ee koonfurta waddanka Thailand.

Cilmi-baareyaasha ayaa saadaaliyay in fayraska uu ku jiri karo xayawaannada noocaas ah ee ku nool dalal badan oo reer Aasiya ah iyo gobollada ku dhowba.

Xogta ay heleen waxay muujineysaa in cudurka uu gaarsiisan yahay dhul ku fidsan 4,800km (2,983 meyl).

Dalalka farta lagu fiiqay waxaa ka mid ah Japan, Shiinaha iyo Thailand, sida ay khubaradu ku sheegeen warbixin lagu daabacay wargeyska Nature Communications.

Daraasado hore ayaa muujiyay in cudurka Sars-CoV-2 uu markii hore kasoo billowday xayawaan loo maleynayo inuu yahay Fiid-meerta, ka hor inta uusan usoo gudbin bani’aadanka.

Related posts

Dibu Dhac ku Yimid Shirka Garoowe Oo la Shaaciyay.

Heemaall

Erdogan iyo Boqor Salman Oo Is-faham ka Gaaray Xiriirkoodii Xumaaday.

Heemaall

Baarlamaanka Oo Aqbalay Codsi Dib Loogu Dhigayo Magacaabista Wasiirada Hirshabeele.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More