Heemaal News Network

Kiis Nooca Cusub Ee Covid-ka UK Oo Laga Helay Dalka Faransiiska

Faransiiska ayaa diiwaangeliyay kiiski ugu horreyay ee nuuca cusub ee cudursidaha coronavirus, taasoo keentay shaki ah in mowjado kale oo la xiriira fayraska ay ku dhuftaan France.

Wasaaradda caafimaadka Faransiiska ayaa ku warrantay in nin Faransiis ah oo dhawaan kasoo laabtay magaalada London, laga helay fayraska cusub.

Ninkan oo ku sugan magaalada Tour ayaa London ka tagay 19-ki bishaan, waxana hadda uu isku karantiilay gurigiisa. Sida ay sheegtay wasaaradda caafimadka, xaaladda ninkaan ayaa hadda wanaagsan.

Nuucaan cusub ee cudursidaha Coronavirus ayaa laga helay dalka Ingiriiska. Wasiirka Caafimaadka Britain, Matt Hancock ayaa sheegay, in ilaa 1000 kiis oo la xiriira xanuunkani lagu arkay koofurbari ee dalka England.

Arrintaasi waxay keentay in dalal ka badan 40 ay xuduudahooda ka xirteen safarrada ka imanaya dalka Ingiriiska.

Related posts

Weriyihii Hore Ee BBC Axmed Cabdinuur Oo ku Geeriyooday London

Heemaall

Xeerka Hayadaha Dakadaha Oo La Hor Keenay Golaha Wakiilada Somaliland.

Heemaall

Afhayeenka Al-Shabaab Oo War kasoo Saaray Qorshaha loo Maleegay Qaraxii Gaalkacyo.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More