Heemaal News Network

Kiisaska Coronavirus Ee Hindiya Oo Dhaafay 9 Milyan

Tan iyo markii uu safmarkani ka bilowday Hindiya Tirada guud ee kiisaska coronavirus ee dalkaasi ayaa kor u dhaaftay 9 milyan sida ay sheegeen waaxda tiri koobka maanta oo jimca ah.

Si kastaba ha noqotee kiisaska cusub ee maalinlaha ah ee Hindiya waxaa laga dareemayay hoos u dhac toddobaadyadii ugu dameeyay iyadoo hadda tirada guud ee kiisaska ay taagan tahay 0.6% tirada dadka Hindiya oo ah 1.3 bilyan.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa soo warisay 45,882 oo infekshan cusub ah iyo 584 dhimasho 24-kii saac ee la soo dhaafay. Tirada dhimashada ee Hindiya tan iyo markii uu faafay cudurka ayaa ka badan 132,000.

Hindiya ayaa kaalinta labaad kaga jirta dadka uu saameeyay cudurka covid-19 halka sedexaad ay ku jirto brazil iyo Maxsiko oo kalinta afaraad fadhisa.

Related posts

Siyaasi Cumar Daahir Cilmi Oo Saluug Xoogan ka Muujiyay Diwaangalinta Awdal Laga Bilaabayo.

Heemaall

Qalbi-dhagax: “Kheyre Ha-cadeeyo Doorkii Uu ku Lahaa Dhiibistaydii”

Heemaall

Arday Soomaliyeed Oo Ku Xaniban Gobolka Tigreega Ee Dalka Itoobiya

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More