Kim Jong-un Oo Raali-galin Aan Looga Baran ka Bixiyey Sargaal Ay ka Dileen Koonfurta.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa raali gelin ka bixiyay dilkii sarkaal u dhashay Kuuriyada Koonfureed, sida ay sheegtay madaxtooyda dalkaasi oo ku taalla magaalada Pyongyang.

Kim Jong-un ayaa u sheegay dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in in khalad ay aheyd in la dilo sarkaalkaas.

Kuuriyada Koonfureed waxay sheegtay in ninkan oo 47 jirka ah lagu eedeeyay inuu u baxsanayay dhinaca Kuuriyada Waqooyi xilli ay arkeen ciidamada ilaalada Waqooyiga oo howlgal ka sameynayay badda.

Ciidamada Kuuriyada Waqooyi ayaa ka dibna qabtay oo dilay sarkaalka, waxayna dab qabadsiiyeen meydkiisa, sida ay sheegtay xukuumadda Seoul.

Kim oo aan looga baran raali gelinta noocan ah ayaa sheegay inuu si weyn uu uga xun yahay dilka sarkaalka, isago aan faahfaahin kale bixinin.

Waxaa la adkeeyay ammaanka xadka, Kuuriyada Waqooyi oo dhaqan gelisay siyaasad ah Toogasho ka dhan ah cid kasta oo isku daydo inay u tallaabsato xadkeeda si looga hortaggo cudurka COVID-19.

Kuuriyada Waqooyi waxay dhankeeda sheegtay in aysan gubin meydka sarkaalka balse ay dab qabadsiiyeen qalabkii uu saarnaa ee dul sabeynayay badda.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy