Heemaal News Network
Cayaaraha

Kim Oo Ku Fashilmay Isku Dayo Uu Kula Kulmaayey Michael Jordan

Madax waynaha aduunka ugu awooda badan ee Kim Jong-un ayaa la ogaaday halka ciyaartoy ee hore ee uu doonayay in uu ku casuumo dalkiisa North Korea.

Hogaamiyaha kalidii taliska ah ee Kim Jong-un ayaa dalbaday in uu dalkiisa ku casuumo halyayga NBA-da ee  Michael Jordan laakiin markii uu u iman waayay waxa uu dalab kale u dhiibay isla xidiga ka hawl gabay NBA-da ee Dennis Rodman.

Dennis Rodman ayaa barnaamijka soo laabashada feedhka ee Mike Tyson waxa uu ku shaaciyay sheekada layaabka leh ee uu Kim Jong-un uu isaga kaga dalbaday in uu dalkiisa yimaado maadaama oo uu waayay fursada uu North Korea ugu soo dhawayn lahaa Michael Jordan.

Maxay Tahay Sababta hogaamiyaha mayalka adag ee Kim Jong-un  uu sida waalida ah ugu doonayay in uu Michael Jordan dalkiisa ugu casuumo?

Kim Jong-un waa taageere u dhinta kubbada basketball wuxuuna taageere waali ah u soo ahaa kooxda uu Michael Jordan u soo ciyaaray ee  Chicago Bulls taas oo Jordan ku soo qaatay 15 xili ciyaareed isla markaana uu 6 koob oo NBA ah la soo qaaday.

Markii uu Kim Jong-un ku noolaa dalka Switzerland waxaa lagu bartay in uu ahaa taageere ku waalan kooxda NBA-da ee Chicago Bulls wuxuuna ka dhaxlay aabihiisii madax waynaha uga horeeyay ee Kim Jong-ill kaas oo Michael Jordan iyo Bulls taageerayay sagaashamaadkii.

Haddaba halyaygii hore ee NBA-da ee Dennis Rodman ayaa soo bandhigay sheekadii dhex martay isaga iyo Kim Jong-un wuxuuna shaaciyay in Kim Jong-un uu doonayay in Michael Jordan uu ku casuumo North Korea balse markii uu waayay uu isaga oo Rodman ah uu dalabka u diray.

Dennis Rodman oo soo gudbinaya hadalkii uu kala kulmay Kim Jong-un ee dalabkiisii Michael Jordan ayuu ku yidhi: “Waxaanu Michael Jordan ka dalbanay in uu yimaado, laakiin muu awoodin in uu yimaado, sidaa daraadeed adiga (Rodman) ayaanu kaa codsanaynaa”.

“Markii aan socdaalkayga halkaas ku joogay, aabihii (Kim Jong IL) waxaa dadka wasaarada arimaha dibada ay aniga iga doonayeen in aan kordhiyo casuumada Michael Jordan”. ayuu Dennis Rodman hadalkiisa raaciyay.

Dhinaca kale sarkaal Markaykanka ah ayaa ABC News u sheegay in  Kim Jong-un uu iyaga ka dalbaday in ay dalkiisa  North Korea u soo diraan halyayada NBA-da si loo hagaajiyo xidhiidhka labada dal ee aadka u xumaa sanadihii la soo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, sida uu u ad adag yahay, kalidii Taliye u yahay ayuuna  Kim Jong-un aanu haddana ka maqnayn ciyaaraha isaga oo lagu tilmaamay taageerayaasha u dhinta ama waalida ku ah NBA-da gaar ahaan kooxda Chicago Bulls ee uu Michael Jordan taariikhda ku soo sameeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More