Heemaal News Network
somali

Kismaayo: Shabaab Oo Weertay Saldigyo Ciidan

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihin duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu ymid kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldbiga Ciidamada jubbaland ku leeyihin degaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay, hayeeshee ay sheegeen in sirasmi ah u xaqiijin karin dadka ku waxyeeloobay dagaalkaas.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaas, waxaana warar lagu daabaay Baraha Internet-ka ee taageera lagu sheegay in dagaal muddo socday uu ka dhacay Saldhigaas kadib markii weerarkaas ay ku qaadeen.

Xaaladda degaanka  Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa degan, waxaana degaankaas uu kamid yahay goobaha laga ilaaliyo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland.

Related posts

Waare Oo Carqaladayn ku Tilmaamay Guddiga Uu Farmaajo U Magacaabay Kiiska Ikraan

Heemaall

Safar Uu Ahmed Madoobe ku Yimid Muqdisho Oo la Ogaaday Ujeedadiisa.(Sawiro)

Heemaall

Xadhiga Xukuumadu Wuxuu Turjumayaa Cagajuglayn Ay ku Hayso Mucaaridka” Xisbiga Waddani

Heemaall