Heemaal News Network

Komishanka Oo Shaaciyay Waqtiga Rasmiga ah Ee la Bilaabayo Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha Somaliland

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa Maanta oo sabti ah soo saaray waqtiga rasmiga ah ee ay bilaabayao diiwaangelinta Codbixiyayaasha Soomaaliland ee dooranaya golaha Wakiilada iyo Madaxweynaha.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu wareegto kusoo saaray waqtiga la bilaabayo diiwaangelin Codbixiyaasha Soomaaliland, taas oo loo asteeyay 29-ka Bishaan aan ku jirno ee November.

Guddiga ayaa waxaa ay sidoo kale soo badnhigeen Gobolada diiwangelinta laga sameyn doono, iyada oo la diiwangelin doono kuwa aan horay loo diiwangelin iyo kuwa hadda gaaray da’ada diiwaangelinta oo socon doona 29-Bishaan ilaa 13-ka Janaayo 2021.

Dhamaan Shacabka ku nool degaannada Soomaaliland ayaa Gudiga waxaa uu uga digay inay halmar ka badan is diiwaangeliyaan, sidoo kale kuwii horay isku diiwaam geliyay aan mar labaad la diiwaangelineyn.

Halkan Ka Akhriso:

Related posts

Kenya Oo ku Dhawaaqday Inay Dal ku Galka Ufududaysay Dadka Somaliyeed.

Heemaall

Maxkamad Xukun Adag ku Riday Nin Dilay Muwaadin Soomaali-Mareykan ah.

Heemaall

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Oo ka Toobad keenta Gafkii Dhacay.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More