Heemaal News Network
somali

Koonfur Galbeed Oo Shaacisay Inay Boqolaal Qoys ku Barakaceen Dagaalkii Shabaab Ee G/Bakool.

Qoysaskan oo dhowaan laga soo barakiciyay tuulooyin hoosyimaada degmada Xuddur, isla markaana la dejiyay goobo cusub ayaa maanta waxa kormeerey maamulka Degmada Xuddur oo ay wehliyaan hay’adaha samafalka ee ka howlgala gudaha magaalada.

Dadka soo barakacay oo guryo ka sameysan cooshado ku dhisanaya duleedka magaalada Xuddur ayaa waxay isugu jiraan Waayeel iyo Qoysas haween u badan oo carruurtooda ay la socdaan, mahaystaan hooy, waxay wajahayaan biyo la’aan iyo raashiin la’aan, qaar ka mid ah barakacayaasha oo aan la hadlay ayaa ii sheegay in ay isugu jiraan beeralay, xoolo dhaqato iyo dad xirfad muruqmaal ah ku shaqeysanayay.

Maamulka degmada Xuddur ayaa bixiyey dhulka aydegayaan, majirto wax intaa ka badan oo loo qabtay haseyeshee u jeeddada kormeerkaa ayaa ah in xaaladooda dhabta ah la ogaado gargaar deg deg ahna lala soo gaaro sida uu Warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha degmada Xuddur Maxamed Macalin.

Magaalada Xuddur ayaa waxa ku sugan kumanaan kun oo barakacayaal ah, maalinba maalinta ka danbaysa waxaa cirka isku shareera qiimaha maciishada quutul daruuriga, waxana xaaladooda nololeed aad u liidata danyarta shaqo la’aan ku heysata gudaha magaalada, kuwaasi oo dalbaday inay lala soo gaaro gurmad dhinac waliba leh.

Related posts

Muuse Biixi Oo Kulan Mahad-naq ah la Qaatay Gudiga Doorashooyinka Somaliland.(Sawiro)

Heemaall

Go’doon Ay Gashay Magaalada Jowhar Iyo Maamulka Oo ka Hadlay.

Heemaall

Masar iyo Uganda Oo kala Saxiixday Heshiis Millateri.

Heemaall