Koox Hubaysan Oo Xalay Weerartay Guriga Masuul Ka Mid Ah Madaxda Gobolka Baay

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in weerar khasaare dhaliyay lagu qaaday xalay fiidkii guriga Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Baay.

Kooxo hubeysan ayaa bam gacmeed ku weeraray guriga Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Baay, waxaana ka dhashay dhaawaca labo ruux.

Saraakiisha ammaanka Baydhabo ayaa sheegay in labada ruux ee ku dhaawacmay bam gacmeed mid ka mid uu ahaa askari ilaalo u ahaa iyo gabar guriga ku sugneyd.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday ololihii u dambeeyay ee loogu diyaar garoobayo doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, iyadoo Musharaxiinta u tartameysa xilkaas ay ku guda jiraan kulamo iyo diyaar garow xooggan.

© Heemaal News Netwok