Heemaal News Network
somali

Koox Hubeysan Oo Xabsi Ay Weerartay ka Siidaayay Boqolaal Maxaabiis ah.

Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday xabsi iyo saldhig boolis oo ku yaalla koonfurta Nigeria, waxay dableyda ku guuleysatay inay xabsiga kasii daayaan maxaabiis ku xirnaa halkaas.

Goob joogayaal ayaa sheegay in saaka ay maqleen dhawaaqa rasaasta xilli kooxda ay weerarayeen xabsiga ku yaalla magaalada Owerri.

Muuqaallo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay ugu yaraan 30 baabuur oo la gubay iyo dhowr guri.

Ha’yadda Amnesty International ayaa sheegtay in xabsiga Oweri ay ku jireen 2,000 oo maxaabiis ah inkasta oo saraakiisha ay BBC u sheegeen in xabsiga uu qaadi karo 900 oo maxaabiis ah.

Related posts

Prof Samatar Iyo Maxamuud Xaashi Oo Soo Jeediyay In Mucaaridku Qabsado Shir Giudoonka Golaha Wakiilada

Heemaall

Al-Shabaab Oo Saaka la Wareegtay Degaan Afcagaag Oo ku Dhaw Degmada Guriceel

Heemaall

Australia iyo New Zealand Oo Xadka Isku Furay Iyada Oo Aan La Kaartinimayn Socdaalayaasha

Heemaal