Heemaal News Network

Koox U Dooda Arrimaha Africa Oo Q/M ka Codsatay In Dib loo Dhigo Dacwada Badda Somaliya iyo Kenya.

Pan-African oo ah koox u dhaqdhaqaaqda arrimaha qowmiyadaha Afrika, ayaa warqad ay u qoreen Xoghayaha Guud, ee Qaramada Midoobay António Guterres, waxay kaga dalbadeen in dacwadda badda ee Kenya iyo Soomaaliya dib loogu dhigo.

Guddoomiyaha kooxdan, David Matsanga ayaa sheegay in sii wadista dacwadda ee khilaafka ICJ ay sababi karto xiisado hor leh iyo isku dhacyo cusub oo ka dhaca gobolka oo horayba aan u degganayn sababo la xiriira cilaaqaadka diblomaasiyadeed ee cakiran ee labada dal.

“Mudane Xoghayaha guud waxaan aaminsanahay in xukun kasta oo ka soo baxa ICJ uu dhalin doono dagaal aad u xun oo ka dhaca aag ay wali colaada Soomaaliya ka taagan tahay,” ayuu Matsanga ku yiri warqadiisa uu u diray madaxa UN-ka.

Warqadda ayaa daba socota go’aan ay qaadatay maxkamadda ICJ oo ay ku diiday dalabkii Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo markii afaraad.

Diiwaanhayaha maxkamada Philippe Gautier ayaa sabtidii ku wargaliyay Kenya iyo Soomaaliya labadaba in dacwadu ay u socon doonto sidii loogu talagay laga bilaabo 15-kii Maarso ee sannadkan.

Related posts

Weerar Gaadmo ah Oo Lagu Laayay Saraakiil ka Tirsan Milatariga Somaliya Oo ka Dhacay Galgaduud.

Heemaall

Shir U Furmaaya Madaxda Dowladda, Dowlad Goboleedyada & Midowga Musharixiinta.

Heemaall

Shirkadda Facebook Oo Aqbashay Amar Uga Yimid Dawlada Turkiga.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More