Heemaal News Network
cayaaraha

Kooxda Tottenham Oo Eriday Tababare Jose Mourinho

Kooxda Kubadda Cagta Tottenham ee horyaalka Premier League ayaa shaqada ka ceyrisay tababare Jose Mourinho, ayada oo kooxda ay qarka u saaran tahay inaysan u soo bixin koobka horyaallada Yurub ee xilli cayaareedka dambe.

Mourinho oo 58 jir ah ayaa macallinka Tottenham noqday bishii November 2019, isaga oo beddelay macallinkii muddada dheeraa ee Mauricio Pochettino, hase yeeshee waxaa la eryey maanta, ayada oo kooxda ay kaalinta 7-aad kaga jirto horyaalka, kana soo hartay koobka horyaallada Yuurb.

Ceyrinta Mourinho aya atimid 6 maalmood ka hor inta aysan kooxda cayaaran cayaarta kama dambeysa ee koobka Carabao Cup oo ay kaga horjeedo naadiga Manhester City, 25-ka bishan

Tottenham ayaa sheegtay in labada kaaliye tababare ee kala ah Ryan Mason iyo Chris Powell ay kooxda laylin doonaan illaa dhammaadka xilli cayaareedkan, markaasi oo kadib macallin cusub la magacaabi doono.

Tottenham ayaa la rumeysan yahay inay beegsaneyso macallinka kooxda RB Leipzig ee dalka Jarmalka Julian Naglessman oo 33 jir ah.

Related posts

Chelsea Oo Ku Kaliyeysatay Kaalinta Afaraad Ee Premier league

Heemaal

Daawo Messi Oo Oohin Ku Macal Salaameeyey FC Barcelona

Heemaal

Cristiano Ronaldo Oo Juventus Ka Codsaday Saxeex Cusub

Heemaal