Kooxda Tunisa Oo Sooman Oo Kooxda Turkiga Ku Barbaraysay 2-2 Iyaga Xarfadeeyey Waqtigii Afurkana

Xulka Tunisia wuxuu ka mid yahay wadamada ka qeyb galaya koobka Aduunka, sidaas darteed waxey xiriirka kubadda cagta wadankaas go’aansadeen iney durba tijaabiyaan awoodda ay u leeyahiin iney Russia ku aadaan.

Xiriirka waxey go’aansadeen iney kulamo saaxiibtinimo la ciyaaraan wadamada Turkey iyo Portugal iyadoo lagu jiro bishaan barakeysan ee Ramadaan, waxaana cajiib laheyd in ciyaartoyda Muslimiinta ee kulankaan ka qeyb galay aysan afurin ilaa laga gaaro waqtiga loogu talagalay.

Waxaa la helay sawiro cadeynaya iyagoo afuraya ciyaarta oo socoto kulankii Turkey, waliba daqiiqadii 47-aad, balse habkii ay u khiyaaneen garsoorka ayaa aheyd hab cajiib ah oo laga wada shaqeeyay.

Goolhaye Mouez Hassen ayaa sheegtay dhaawac aan waxba ka jirin daqiiqadii 47-aad si ay ciyaartoyda u helaan fursad ay ku afuraan, waxeyna waqtigaas ku beegneed xilliga laga afuro wadanka Switzerland oo ay labada wadan ku ciyaarayeen.

Wariyaha madaxa banaan ee u dhashay dalka Tunisia Souhail Khamira ayaa bartiisa twitter-ka ku shaaciyay sida ay ciyaartoyda ugu heshiiyeen qorshahaan layaabka leh, isla markaana ay u guteen waajibka alle ayagoo waliba ciyaaraya kulan culeyskiisa leh.


Wuxuu soo qoray Xaqiiqo Maad ah: “Ciyaartoya qaranka Tunisia waxey ciyaareen labadii kulan ee ugu dambeysay ciyaaraha saaxiibtinimo ayagoo sooman, sidaas darteed marka la gaaro waqtiga Afruaka, ciyaartoyda waxey ku heshiiyeen in goolhaya dhulka is dhigo si ay u helaan waqti ay ku cabaan ama ay wax ku cunaan.

Waxey noqotay dhacdo ay aad u hadal hayaan Musliiminta xiiseysa kubadda cagta, walow reer Galbeedka aysan soo hadal qaadin sheekadaan xiisaha badan leh.
Tunisia waxey ku jiraan group-ka G oo ay kula jiraan Belgium, England iyo Panama iyagoo kulankooda ugu horeeya la ciyaari doona England markey taariikhdu tahay 18-ka June.

© Heemaal News Netwok