Heemaal News Network
Caalamka

Kooxda Xisbullah Oo Soo Riday Dayaarad Ay Leedahay Israel

Kooxda Xisbullah ayaa sheegtay in koonfurta magaaladda Ramyah, ay kusoo rideen diyaarad ay leedahay Israel sida laga baahiyay Tv’ga Al-Manar oo ku hadla afka kooxda.

Diyaaraddan oo ahayd nuuca aanan duuliyaha wadin ee drone’ka loo yaqano ayaa lasheegay in ay ku jirto gacanta dagaalamyaasha kooxda Xisbullah.

Kooxda ayaa sheegtay in soo ridida diyaaradan ay u adeegsadeen hub ku haboon taas oo keentay in diyaaradani ay ku dhacdo magaalada ku taalo koonfurta dalka Lubnaan.

Sidoo kale war saxaafadeed kasoo baxay ciidamada Israel ayaa lagu sheegay in mid kamid ah diyaaradahoda militari ay ku soo dhacday gudaha xuduuda koonfureed ee dalka Lubnaan xilli ay ku jirtay hawl gal.

Balse Israel ma’aysan sheegin sababta ka danbeesay soo dhicista diyaaradani.

Wariyaha Tv’ga Al Jazeera ee Beirut ayaa sheegaya in tani ay tahay markii ugu horeesay oo ay Xisbullah sheegato in ay Israel diyaarad kasoo riday tan iyo sanadkii 2006’dii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More