Heemaal News Network
Soomaaliya

Kooxo Falal Amni Daro ka Waday Magalada Boosaaso Oo Gacanta Lagu Dhigay.

Ciidamada booliiska maamulka Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay kooxo falal amni daro ka waday magalada Boosaaso, kadib markii ciidamadu howlgalo saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen xaafado katirsan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Taliska booliiska gobolka Bari ayaa sheegay in howlgalka ay ciidamada sameeyeen lagu soo qab qabtay dhalinyaro badan oo ku howlanaa falal amaanka lidi ku ah , waxaana dhalinyarada la qabtay qaarkood ahaayeen burcad dadka moobeelada ka dhaca.

Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali maxamud ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada qab qabteen kooxo falal amaan daro ku howlanaa, waxa uuna taliyaha xusay in howlgaladan ay sii socon doonaan inta amaanka laga xaqiijinayo.

Magaalada Boosaaso ayaa mudooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay falal amaan daro ay geestaan kooxo burcad ah , waxaa sidoo kale magaalada xiliyada qaar ka dhaca qaraxyo iyo dilal qorsheesan ay geestaan kooxaha hubeesan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More