Kor U Kac ku Yimid Qiimaha Tikidhka Diyaaradaha Addis Ababa iyo Asmara.

Shirkadda diyaaradaha Itoobiya waxay shaaca ka qaaday inay dib u billaabayso duulimaad ay ku tageyso dalka Eritrea kaddib 20 sanno.

Madaxa shaqaalaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in shacabka Eritrea iyo Itoobiya aanan looga bahnayn inay haystaan fiiso marka ay doonayaan inay u kala safraan labada dal.

Waqtigan bilawga safarada labada dal ayaa tikidhka diyaaradaha lagu raaca Addis Ababa ilaa Asmara uu qiimihiisu uu gaadhay 13,008 lacagta Itoobiya oo u dhiganta $472 oo doolar.

Sidoo kale waxaana la filaya in bisha soo socota uu qiimaha tikidhka diyaaradaha min Addis Ababa ilaa Eritrea uu hoos u dhaco iyadoo waqtigaasi uu noqon doono ilaa 401 doolar.

© Heemaal News Netwok