Heemaal News Network

Kulamadii R/Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Puntland Oo Natiijo La’aan kusoo Dhamaaday.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in kulamadii maanta dhexmaray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Puntland ay kusoo dhamaadeen natiijo la’aan.

Kulamadaan ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka Arrimaha dibada iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Kulamada ayaa fashilmay ka dib markii la isku afgaranwaayay Ajendaha kulanka oo madaxweynaha Puntland uu soo jeediyay in laga wadahadlo qodobadii kasoo baxay heshiiskii maamulada iyo Madaxweyne Farmaajo sababta loo fulin waayay.

Ra’isulwasaare Rooble ayaa ka dalbaday Puntland iney soo dhameystirto Gudiga Doorashooyinka Kadibna Dowladu Gogol dhigeyso wada Hadal ah ,Halka Madaxweynaha Puntladn Siciid Cabdulaahi Deni uu ku adkeysanayo in Marka hore Dowladu dhigto gogol.

Rooble ayaa sidoo kale lagu soo waramaya in uu ka biyo diiday in Ajendaha lagu daro Ciidanka dowladda Soomaaliya ay geystay gobolka Gedo taa badalkeeda uu kala hadli doono maamulka Jubbaland.

Related posts

Wasiir Bayle Oo Beeniyay in la Fasaxay Qaadkii ka Imaan jiray Kenya.

Heemaall

Somaliland Oo Qirtay In Denbiyada Kufsiga loo Xirin Raga Dhaqaalaha Leh

Heemaall

Trump Oo Jeediyey Khudbadii Ugu Horaysay Aqalka Cad Ka Dib

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More