Wararka laga helayo Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Xarunta Madaxtooyada Puntland uu ka bilaabanayo kulan gaar ah oo looga hadlayo xal u helida Arrimaha doorashooyinka ee uu muranka ka taagan yahay.
Kulankan ee ay wada qaadan doonaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland iyo qaar kamid ah Xubnaha Midowga Musharixiinta ee halkaasi ku sugan, iyaga oo ka wada hadli doona isbedelada siyaasadeed iyo isku soo dhawaanshaha xagga doorashada ee muuqda, kaas oo uu ka shaqeeyey Madaxweynaha Galmudug.
Ilo u dhuun-dhaloola kulankan ayaa sheegaya in musharixiinta qaar ay kasoo hrjeesteen aragtida Jubbaland & Puntland ee ah in heshiis la gaaro wixii ka dambeeya 28ka bishan, iyaga oo doonaya in ladadajiyo doorashada.
Kulamada looga hadlayo xal ka gaarista Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda si isdaba-joog ah u dhici doona, waxaana la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble in uu la kulmo qaar kamid ah Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha.