Heemaal News Network

Kulan Xasaasi ah Oo Farmaajo la Yeeshay Guddoonka Golaha Shacabka.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa wadahadallo ku saabsan xaaladaha dalka ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in kulankaas diiradda lagu saaray sidii doorasho ay dalka uga dhici lahayd.

Madaxtooyada kuma sheegin qoraalka ay soo saartay waxyaabaha ka soo baxay kulankaas xasaasiga ah oo ku soo beegmay xili la hadal hayo in RW Rooble oo beri baarlamanka hortagaya uu wado qorshe muddo kordhin labo sano ah oo xildhibaanadu ay ansixiyaan.

Xildhibaano mucaarad ah oo ku shiray Muqdisho ayaa galabta sheegay ineysan marnaba aqbali doonin wax muddo kordhin ah oo loo sameeyo madaxda DF.

Related posts

Nin Hooyadiis ku Dilay Muqdisho Oo Isna Toogasho Lagu Dilay.

Heemaall

Afhayeenka ONLF Oo Beeniyay Warar Laga Baahiyay.

Heemaall

Midawga Musharaxiinta Oo Kulan Uga Bilowday Muqdisho

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More