Kulankii Golaha Shacabka Oo Maanta U Baaqday Kooram La’aan, Digniinna loo Diray Xildhibaanada.

Waxaa maanta Kooram la’aan u baaqday kulan ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya, kulankan ayaana ajandihiisu ahaa in looga doodo hindise sharciyeedka Duulista iyo Saadaasha Hawada,

Gudoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in aan la aqbali karin in kulamada Baarlamaanka u baaqdaan kooram la’aan ,waxa uuna sheegay in lala xisaabtami doono Xildhibaanada aan kulamada soo xaadirin.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in kulanka ugu horeeyo ay Xildhibaanada golaha shacabka yeelanayaan lagu yeerin doono liiska magacyada Xildhibaanada ka maqan fadhiyada Baarlamaanka yeeshaan.

Xildhibaano badan oo katirsan Golaha Shacabka ayaan soo xaadirin kulamada Baarlamaanka, waxa ayna Xildhibaanadaasi u badan yihiin kuwa u galay golaha kaliya in ay xasaanad helaan iskuna ilaaliyaan magaca Xildhibaanimo.

© Heemaal News Netwok