Heemaal News Network
somali

Kulankii Golaha Wasiirada Somaliya Oo Arimo Dhawr ah Looga Dooday.(Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Xaaladda amniga dalka.

Waxaa kulankaas lagu dhageystay warbixinno ku saabsan Amniga dalka, Caabuqa COVID-19, Gurmadka Abaaraha iyo Fatahaadaha ka jira dalka qeybo ka mid ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku dardaarmay in la dar dargeliyo xoojinta amniga, isla markaana gurmad dhinac waliba leh la gaarsiiyo dadkii uu saameyay fatahaadda Webiga Shabeelle ee Jowhar ku nool.

Related posts

Foolkaano Mar-kale ka Qaraxday Bariga Congo.

Heemaall

Ururka SOWOD Oo Deeq Raashina Gaarsiiyay Denyarta Haysta Caruurta Baahiyaha Gaarka Qabta.

Heemaall

Israel Oo Ogolaatay Xabad Joojin

Heemaal