Kuuriyada Waqooyi Oo ka Calaacashay Heshiiskii Burburinta Nugniyeerka Ee ay la Gashay Maraykanka.

Kuuriyada waqooyi ayaa mar kale si kulul ugu dhaliishay Mareykanka in uusan wali qaadin cuna-qabateynta saaran dalkaas.

Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa sheegtay in dhankooda ay qaadeen tallaabooyin wanaagsan oo horseedi kara is af-garad, balse Mareykanku ay ilaa hadda sii amba qaadayaan waxa ay ugu yeertay “hadallada uu waqtigooda dhacay” ayna curyaaminayaan dhaq dhaqaaq kasta oo lagu raadinayo bur burinta hubka wax gumaada ee nuclear-ka.

Dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa in muddo ahba la daalaa dhacaya cadaadis caalami ah iyo cuna-qabateyn uu Mareykanka beesha caalamka kaashanaya kusoo rogay kuwaasoo ay ku muteysatay barnaamijkeeda hubka nuclear-ka iyo gantaallada ay tijaabiso.

Hase ahaatee Mareykanka ayaa doonaya in hub ka dhigis buuxda oo nuclear ah lagu sameeyo waddankaas ka hor inta aan laga dul qaadin cuna qabateyta.

Madaxweyne Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa bishii June isku waafaqay in ay ka wada shaqeeyaan howsha ku saabsan sidii hubka nuclear-ka looga sifeyn lahaa gacamnka Kuuriya.

Balse faah-faahinta dheeriga ah ee heshiiskaas ayaan wali si buuxda usoo bixin – sidoo kalena Kuuriyada Waqooyi ayaan wali si rasmi ah u xaqiijinin in ay ka tanaasuleyso hubkeeda nuclear-ka.

Isbuuci lasoo dhaafay, macluumaad si qarsoodi ah lagu shaaciyay oo ay leedahay Qaramada Midoobay ayaa laga dheehday qoraal lagu sheegay in waddankaasi uusan wali hakinin sameynta hubka – waxa ayna arrintaasi horseedday in Mareykanka uu beesha caalamka ugu baaqo in ay sii amba qaadaan hir gelinta cuna-qabateynta.

Wasaaraddeeda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in la qaaday tallaabooyin ku tala gal ah oo loo sameeyay ; hakinta tijaabooyinka gantaallada xambaara hubka wax gumaada, dib usoo celinta haraadiga lafihii ciidanka mareykanka ee lagu dilay dagaalkii gacanka Kuuriya ee dhacay intii u dhaxeysay sannadihii 1950-53 iyo waliba shaqo joojinta laga sameeyay xarumaha ay ku yaallaan warshadaha lagu bacrimiyo nuclier-ka.

“ilaa iyo inta ay Mareykanku inkirayaan qodobbadii aan ku wada hadalnay ayna adeegsanayaan hadallada uu waqtigooda dhacay ee ay horayba ugu guul darreysteen maamulladii hore, ma jirto cid fili karta in wax horumar ah laga sameeyo dhaqan gelinta heshiiskii sida wada jirka ah loo soo saaray oo ay qeyb ka tahay bur burinta Nuclear-ka”. Waxaa sidaas lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi.

Horraantii isbuucaan, wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa ficillada Mareykanka ku qeexay “qeylo dhaan”. Bishii lasoo dhaafayna, Kuuriyada Waqooyi waxa ay Mareykanka ku eedeysay in ay hab “mooryaannimo ah” u adeegsanayaan wada hadallada.