La Taliyaha Amniga Ee Madaxweynaha Oo Digniin Adag U Diray Xafiiska QM Ee Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaaliya ayaa markii ugu horeysay uga digtay xafiiska Qaramada Midoobey Soomaaliya in uu soo fara-galiyo siyaasada arrimaha gudaha.

La taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali ayaa si lama filaan bartiisa Twitter-ka ugu soo qorey digniin culus oo ku socoto xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho.

Qoraalka Cabdi Saciid ku soo qoray bartiisa Twitterka ayaa jawaab u ahaa war saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Niccholas Haysom oo looga hadlay arrimaha doorashooyada Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Qoraalka la taliyaha ayaa u dhigg-naa sida “Ha soo faragelinina arrimaha gudaha ee Soomaaliya, dabeecadan ma soo dhoweyneyno”ayuu yiri Cabdi Saciid.

© Heemaal News Netwok