Laacibkii Xulka Qaranka Talyaaniga Ee Ku Biiray Maafiyadda Oo La Xakumay

Vincenzo Iaquinta oo ahaa Ciyaaryahankan hore oo u dheeli jiray xulka qaranka Talyaaniga ayaa lagu eedeeyey inuu lug ku leeyahay falal maafiya, iyada oo maxkamadi xukun ku riday.

Vincenzo Iaquinta iyo aabihiiba waxaa lagu eedeeyey in ay ka tirsan yihiin koox maafiya ah oo ka hawl gasha waqooyiga Talyaaniga.

Maxkamada ayaa Vincenzo Iaquinta ku xukuntay labbo sanno oo xariga iyadda oo ka dhaaftay soo jeedin ahayd in lagu xukumo lix sanno, halka aabihiina lagu xukumay toban iyo sagaal sanno.

Vincenzo Iaquinta ayaa lix gool dhaliyey afartan cayaarood oo u saftay xulka qaranka dalkiisa kana mid ahaa kooxdii qaaday koobka aduunka sanadkii 2006-dii waxaana uu cayaaraha ka fariistay sanadkii 2014, isaga oo wixii markaa ka danbeeyeyna u jihaysatay dhanka budhacdnimada.

© Heemaal News Netwok