Laanqayrta Cas Oo ka Dayrisay Xaaladda Colaada ka Dhex-taagan Qoomiyadaha Itoobiya

Colaado u dhaxeeya bulshooyin ku wada nool Koonfurta Itoobiya ayaa uga sii daraysa mashaakilka ba’niiaadannimo ee ay wajahayaan in kabadan 800,000 oo guryahooda si xoog ah looga qixiyay, sida ay sheegtay hay’adda Laanqayrta Cas ee Caalamiga ah ee magaceeda loo soo gaabiyo ICRC.

Hay’addu waxay sheegtay in dadkaasi aysan haysanin cunto, biyo nadiif ah oo la cabo, hoy iyo waxyaabaha kale ee nolosha aasaasiga u ah.

“Indhaha beesha caalamku ma hayaan dhibaatadan, iska indho tirkaasna dhibaato baaxad leh ayay horseedi kartaa” ayuu yiri Shirin Hanafieh oo ah masuul ka tirsan hay’adda ICRC.

Masuulkaasi wuxuu sheegay in haddii aan si degdeg ah dadkaas loola gaarin gargaar ay halis u gali doonaan macaluul iyo in ay xannuuno dilaacaan.

© Heemaal News Netwok