Laba Askari Oo Lagu Dilay Bartamaha Muqdisho

Labo askari oo ka tirsanaa ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa lagu dilay goor dhow isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in askartan la dilay ay shirka hore ka fadhiyeen gaari rakaab ah oo marayey nawaaxiga isgoyska Bakaaraha, waxaana toogtay oo rasaas ku furay rag bastoolado iska soo jaray oo la saarnaa gaariga.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dad rayid ah oo ka mid ahaa rakaabkii la socday gaariga ay dhaawacmeen ka dib markii ay waxyeelo ka soo gaartay rasaastii lagu dilay askarta.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa goobta gaaray iyagoo ka bilaabay howlgalo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey weerarkan.