Heemaal News Network

Labaatan Qof Oo u Dhintay Qabaw Ba’an Oo Ku Dhuftay Koofurta Maraykanka

Labaatan qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen, duufaanno wata baraf, roob iyo dabeylo aad u qaboow oo sabtidi ilaa Arbacada maanta ah ka socdo qaar ka mid ah gobollada koofureed ee dalkaan Mareykanka.

Dabaylahan ayaa jaray korontada magaalooyin badan oo ay u darantayah gobolka Texas, kuwaas oo uga sii daray xaalada qabawga.

Gobolka Texas, ugu yaraan afar milyan oo guri iyo xafiisyo ayaa koronto la’aan ah. Hey’adda Qaran ee Saadaasha Hawada Mareyakanka ayaa ka digtay in ilaa 174 milyan oo qof ay saamey doonaan duufaanta ka dhaceysa Mareykanka xilligaan qaboow ee jiilaalka.

Talaadadi shalay, meydadka saddex qof ayaa laga helay xeebaha gobolla North Carolina, halka magaalada Houston ay ku dhinteen qoys ka kooban afar qof, kaddib marki ay ku gubteen dab ay diirrimaad ka raadinayeen.

Qabowgan oo lagu sheegay mid ka mid ah kuwi ugu xumaa ee soo mara Mareykanka, ayaa aad u saameeyay gobollada Texas, Louisiana, Tennessee, Kentucky iyo North Carolina.

Related posts

Alshabaab Oo Weerar Ku Qaaday Ciidamada Sawaaxilaga Ee Haysta NFD

Heemaal

Mustafe Cagjar Oo War kasoo Saaray Dagaalka ka Socda Gobolka Tigreega

Heemaall

Muuse Biixi Oo Qaabilay Suldaanka Guud Ee Beelaha Isaaq

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More