Heemaal News Network
Soomaaliya

Labbo Askari Oo Si Wadajir Askari Ka Soo Jeeda Awdal Ugu Toogtay Togdheer

Waxaa dagaanka Qorilugud lagu toogtay askari ka soo jeeda dagaanka gobolka Awdal, kaasoo loogu aarayay askari ay isku hayb yihiin oo horay ugu dilay askari ka soo jeeda togdheer magaalada Hargaysa.

Labbo nin ee toogtay askariga reer Awdal ayaa waxa ay walaalo ahaayeen askirigii lagu dilay Hargaysa, kuwaasoo saddex xabbadood oo rasaas ah askrigan kaga dhuftay qaarka dhexe ee jidhkiisa, ugana tagay dhimasho ahaan, balse aan dhiman oo dhaawaciisa hadda la keenay magaalada Hargaysa.

Askarigan oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Ilkaqor, ayaa xaaladiisa caafimaad aad u liidato, kaassoo deegaan ahaan kasoo jeeda deegaanka Fardo lagu xidh oo ka tirsan degmada Lughaya, sida ay Heemaal News u xaqiijiyeen ehelada askarigan.

Warar kale oo soo gaadhay Heemaal News ayaa sheegaya in labbadii askari ee toogtay askiragan ay baxsadeen iyadda oo aan ilaa hadda gacanta lagu soo dhigin,kusoo jufo dhaw la ah Saleebaan Gaalka ka taliya guurtida Somaliland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More