Labbo Qof Oo Gobolka Mudug Loogu Dilay Aaano Qabiil

Wararka laga helayo degaanka Saaxo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay xalay halkaasi ku dileen laba qof oo dadka degaanka ah.

Dadkla la dilay ayaa waxaa la sheegay in ay ahaayeen Xoolo dhaqato, isla markaana dilkooda loo aaneynaayo inay la xiriirto aanooyn qabiil.

Wararaka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in degaanka saaxo oo maalmahaan ay ka taagnaayeen xiisad dagaal oo u dhaxeysa laba beelood ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda gaar ahaan kuwa Xasilinta Gobolka Mudug oo ah cutub isku dhaf ah oo horay loogu diyaariyay maareynta xiisadaha beelaha ka dhex dhaca ee kusoo lab laabta gobolka Mudug.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Mudug ayaa sidoo kale la filayaa inay gaaraan halka uu dilka ka dhacay, si xal looga gaaro xiisada ka dhalatay dilkaas.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy