Heemaal News Network
somali

Lafta-gareen Oo Soo Gaadhay Muqdisho

Waxaa goordhweyn, ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho wefdi uu hogaaminayo madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo xubno kale ayaa garoonka ku soo dhaweeyay madaxweynaha.

Madaxweyne Laftagareen, waxaa uu ka qeybgali doonaa shirka wada tashiga qaran ee arrimaha doorashooyinka oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa horey u iclaamiyay shirkan, shalay gelinkii dambe, waxaa Muqdisho sidan oo kale soo gaaray madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor).

Maanta waxaa la filayaa madaxda kalae in ay yimaadaan magaalada Muqdisho, si shirka ugu qeybgalaan.

Related posts

Puntland Oo Xukun Dil ah ku Riday 8 Xubnood Oo Dilal ka Falin-jiray Gaalkacyo.

Heemaall

Waraabe Oo si Adag Ugu Hangabay Xildhibaanada UCID Ee Heshiiska la Galay Kulmiye.

Heemaall

Maraykanka Oo Si Buuxda U Taageeraay Go’aankii Golaha Shacabka

Heemaal