Heemaal News Network
somali

Lafta-gareen Oo Xilalkii ka Qaaday Wasiiro kuwo kalena Magacaabay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xil ka Qaadis ku Sameyey Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada halka kuwo kalena isku shaandheyn lagu sameeyey.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Ibraahim Bandhabow ayaa warbaahinta u akhriyey Wareegtada.

Wasiirada xilka ka qaaday waxaa ka mid ah Warfaafinta llyaas Saciid Cali iyo Garsoorka Koonfur Galbeed Maxamed Xassan,

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed waxaa loo magacaabay Ilyaas Cali Nuur, halka Sheekh Xasan Lugbuur laga dhigay Wasiirka garsoorka iyo Cadaalada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Waxaa uu xilalka u kala wareejiyey wasiiradii Ganacsiga iyo howlaha guud ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Related posts

Itoobiya Oo Shaacisay Xabaalo Wadareedyo Tigreygu ku Aaseen Shacab Amxaaro ah.

Heemaall

Ex Wasiir Shucayb Oo U Jawaabay Wasiirka Gaashaan-dhiga Oo Weeraray C/risaq Khaliif.

Heemaall

Madasha Badbaado Qaran Oo Qoraal Adag U Diray Golaha Ammaanka Ee QM.

Heemaall