Laftagareen Oo Kulan la Qaatay Ciidamada Amniga Koonfur Galbeed Iyo Kuwa Ajanabiga ah(Sawiro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shir gudoomiyey Shirka Todobaadlaha ee Golaha Amniga Koonfur Galbeed.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Taliyaha Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed, Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed iyo saraakiil kale ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa amniga degaannada Koonfur Galbeed.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed Isaaq Cali Subagle ayaa sheegay in kulanka ay warbixino la xiriira Amniga kusoo gudbiyeen saraakiisha laamaha Amniga Koonfur Galbeed iyo Wasaaradda intaba.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in shirka lagu soo hadal qaaday degaannada weli u go’doonsan Ururka Al-Shabaab, sidoo kalena la go’aamiyay in la qaado howlgal culus oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa faray saraakiisha kala duwan ee Ciidamada inay dardar geliyaan howlaha lagu sugayo Amniga degaannada maamulkaas.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy