Horyaalkii hore ee miisaanka culus iyo horyaalkii feedhka Olimbikada Leon Spinks ayaa dhintay Jimcihii. Wuxuu noqday 67 jir.
Sanadihii u danbeeya ayaa waxaa uu la daala dhacaayey xanuuno tiro badan oo qaar ka mid ahi ka soo gaadheen xirfadiisa, sida xanuunka TBI (Traumatic Brain Injury), oo ay sobob u ahayd garaacii feedhasha ee ku dhacaayey, xanuunada kalena waxaa ka mid ahaa kansarka qandhijada ku dhaca, balse waligii ma lumin dhoolacadayntii uu caanka ku ahaa.
Spinks wuxuu noqday horyaalkii Olombikada 1976, laakiin wuxuu noqday xiddig dhab ah markii uu ka adkaaday Muxamed Cali dagaalkii loogu jiray kursiga feedhka culus ee 1978.
Tarntanka feedhasha waxaa uu ka fadhiistay 1995, isaga oo aan guulo badan ka gaadhin, mudooyinkii danbe.