Heemaal News Network
Caalamka

Liberia Oo Qalab Caafimaad Ugu Deeqday Bukaanada Corronavirus ee Dalka Shiinaha

Liberia ayaa deeq agab caafimaad ah ugu deeqday Shiinaha si ay qayb uga noqoto dedaalada lagu xakamaynayo cudurka coronavirus ee ka dilaaay dalkaasi Shiinaha, waxana Agaasinka deeqdan isku duba-ridkeeda lahaa Dhakhtar u dhashay Shiinaha oo ka hawl gala xarun caafimaad oo ku taal caasimada Liberia ee Monrovia.

Deeqdan ayaa ka kooban 7000 oo katoon oo maaskarada sanka ah iyo 600 oo kartoon oo dharka qufulan ah, waxayna u dirayaan meelaha ay dhibaatadu ka dhacday, oo ay ku jirto magaalada Wuhan oo ah meeshii ugu horaysay ee xanuunkan ka dillaacay.

Waxay ahayd 6 sano ka hor markii Shiinahu uu gacan wayn ka gasytay deeq qalab caafimaad ahna gaarsiiyay Liberia oo uu ka dillaacay cudurka Ebola.

Dhinaca kale dalka Shiinaha dhimashada cudurka Carronavirus ayaa korodhay waxana ay kor u dhaaftay 1300 oo qof, waqti ay maalintii shalay ay ahayd maalintii dadka ugu badan ay u dhinteen xanuunkan iyada oo la diiwaangaliyay dhimashada 242 qof.

Hayada WHO ayaa walaac ka muujisay korodhka kiisaska xanuunkan ee gudaha Shiinaha taas oo isku shareertay 60 kun oo kiis in ku dhaw in la diiwaangaliyay kuwaas oo ah dad uu caabuqan soo ritay

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More