Liiska Dalalka Ugu Awooda Badan Dhinaca Milatariga Oo la Shaaciyay.(Akhriso)

Sanad walbo waxaa lasoo bandhigaa liiska Wadamada ugu awooda badan dhinaca milatariga, waxaana inta badan lagu qiimeeyaa awooda milatariga dhinaca hubka, tirada iyo sidoo kale dhaqaalaha lagu bixiyo ciidankaasi.

Wargeyska Global Firepower, ayaa sanad kasta soo bandhiga qiimeynta 138-wadan ee ugu awooda badan ee dhinaca milatariga, waxaana inta badan isbadal ku imaan shanta wadan ee ugu horeeya dhanka milatariga.

Dowladaha Mareykanka, Ruushka, Shiinaha iyo Hindiya ayaa safka hore kaga jira wadamada ugu awooda badan milatariga, wadamadan ayaana sanad kasta hogaamiya wadamada ugu awooda badan milatariga.

Turkiga oo kamid ahaa sanadihii ugu dambeeyay 10-ka wadan ee ugu awooda badan dhinaca milatariga ayaa sanadkan hoos ugu dhacay kaalinta 11-aad, waxaana sanadkan 10-ka wadan ee ugu awooda badan milatariga soo gashay dowlada Masar.

Milatariga Sacuudiga ayaa sidoo kale sanadkan ka sara maray milatariga Isra’il oo horey uga horeeyay, waxaana milatariga Sacuudiga sanadkan soo galay kaalinta 17-aad halka Israa’il gashay 18-aad.

Soomaaliya oo dib u dhis ku wada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa qiimeynta sanadkan kasoo gashay kaalinta 136, waxa ayna Soomaaliya dhinaca milatariga uga saro martay wadamada Liberia iyo Bhutan.

Halkan ka Akhriso 25-ka wadan ee ugu awooda badan dhinaca Milatariga Caalamka

1- Mareykanka
2- Ruushka
3- Shiinaha
4 Hindiya
5- Japan
6- Kuuriyada Koonfureed
7- Faransiiska
8- Ingiriiska
9- Masar
10- Brazil
11- Turkiga
12- Talyaaniga
13- Jarmalka
14- Iiraan
15- Pakistan
16- Indonesia
17- Sacuudi Carabiya
18-Israa’iil
19- Australia
20- Spain
21- Poland
22- Vietnam
23- Thailand
24- Canada
25- Kuuriyada Waqooyi

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy