Heemaal News Network
Cayaaraha

Lionel Messi Oo Laga Mamnuucay Ciyaaraha Mudo Sadax-bilood ah Ganaax Lacageed-na la Dul-dhigay.

Lionel Messi ayaa muudo 3 bilood ah laga mamanucay cayaaraha kubadda cagta ee caalamiga ah, ka dib markii Koobka Qaramada Ameerica uu ku tilmaay mid musuqmaasuq daashaday.

32 jirkan u ciyaara Barcelona ayaa waxaa sidoo kale xiriirka kubadda cagta ee koonfurta Amerika ay ku ganaaxeen lacag dhan 50 kun oo doolar, waxaana mudo todobo maalmood u furay inuu racfaan ka qaato go’aanka looga mamnuucayo cayaaraha.

Weeraryahankan Kabtanka kooxda qaranka Argentina ayaa kaarka casaanka loo taagay cayaartii ay la lahaayeen Chile, taas oo 2-1 ay kooxdiisa Argentina ku guuleysatay balse Messi ayaa markii dambe sheegay in koobkan ay qaadi doonaan kooxda Brazil.

Mamnuuciiddan ayaa waxay sababaysaa in Messi uusan ka qeyb galin cayaaraha saaxibtimimada ee ay Argentina la dheeli doonto Chile, Mexico iyo Jarmalka, kulamadaasi oo la cayaari doono bilaha September iyo October.

Ka dib kulankii nus-dhamaadka ee Brazil 2-0 kaga badisay Argentina, ayay Xiriirka Kubadda Cagta ee Argentina ka anadacoodeen khaladaad dhanka garsoorka ah, balse baaritaan ka dib ayaa la sheegay in eedeymahaasi su’aasha galiyay sharfta Koobka Qaramada America ay yihiin kuwo waxaba kama jiraan ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More