Heemaal News Network
cayaaraha

Liverpool Oo Saddex Iyo Eber Ku Garaacday Arsenal

Liverpool ayaa ku soo dhowaatay kaalinta afraad ee horyaalka Premier League, kaddib guul raaxo leh oo ay ka soo gaadhay Arsenal oo ay ugu tagtay magaalada London, kuna soo garaacday 3-0.

Xiddiga reer Portugal ee Diogo Jota oo beddel kusoo galay ayaa dumiyey derbigii difaaca ee Arsenal ee ay awoodi waayeen Mohamed Salah, Firmino iyo Mane in ay kubadda dhaafiyaan, waxaanay Jota ku qaadatay saddex daqiiqadood oo kaliya in uu goolka koowaad u dhaliyo kooxdiisa.
Mohamed Salah ayaa ku daray goolka labaad, isagoo difaaca Arsenal kusoo garaacay xerada ganaaxa dhexdeeda, isla markaana goolhaye Leno kubadda ka bixiyey labadiisa lugood dhexdooda.

Jota ayaa goolka saddexaad ee kooxdiisa damaanad ugu siiyey saddexda dhibcood ee kulankan, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 3-0.

Liverpool ayaa soo gashay kaalinta shanaad ee horyaalka Premier League, waxaanay laba dhibcood ka hoosaysaa Chelsea oo afraad fadhida, laakiin West Ham ayaa wax ka beddeli karta kaalinta ay Liverpool ku jirto, isla markaana kaalinta afraad kala bixi doonta Chelsea haddii ay badiso ciyaarteeda usbuucan oo Axadda ay u tegayso Wolves.

Arsenal ayaa iyaduna ku jirta kaalinta sagaalaad ee miiska kala-sarraynta horyaalka, waxaanay isku dhibco yihiin Leeds United oo 10aad fadhida, hase yeeshee Aston Villa oo guuleysata ayaa hal buundo hoos usii ridi karta Arsenal.

Related posts

Real Madrid Oo Cashar Lama IloobaanAh U Dhigtay Liverpool

Heemaal

Manchester United Oo Karbaashtay Tottenham Iskuna Fidisay Booska Labbaad

Heemaal

Zinedine Zidane Ka hadlay Mustaqbalka Kylian, Messi, Iyo Ramos

Heemaal