Heemaal News Network
somali

M/Biixi Oo Caawa Madaxtooyada kula Shiray Madax-dhaqameed Beesha Galbeedka Burco.(Sawiro)

Madaxweynaha Somaliland mud. Muuse Biixi Cabdi ayaa galab dhicii maanta xarunta madaxtooyada Somaliland ku qaabiley Salaadiin , Cuqaal, siyaasiyiin iyo ganacsato deegaan ahaan kasoo jeeda galbeedka gobolka Togdheer ee Habar-yoonis.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada ku shiray madaxtooyada Somaliland balse waxaa la sheegay in laga wada-hadlay arimaha siyaasada oo aan weli la shaacin, doorashada iyo furista ururada siyaasada ee Somaliland oo ay ka biyo diidan yihiin xisbiyada Mucaaridka ee ay beeshani kasoo jeedo.

Waxii kasoo kordha kulankan waan idin lasoo wadaagi doonaa insha alaah.

Related posts

Puntin Oo Warqadaha Aqoonsiga ka Gudoomay Safiirka Cusub Ee Somaliya.(Sawiro)

Heemaall

Madaxwayne Zelensky Oo Ka Digay In Caawa Kiev Lala Wareego

Heemaall

Butin Oo Sobobeeyey Jabka Ciidankiisa Ka Soo Gaadhay Gobolka Kharkiv

Heemaal