Heemaal News Network
somali

M/Biixi Oo Magacaabis Iyo Xilka Qaadis Sameeyay.

WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE: 23 /11/2022.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-959/112022 iyo JSL/XM/WM/222-960/112022 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey masuuliyiinka mida Xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.
1. Ku: Xasan Axmed Aadan

Xeer-ilaaliyihii Guud ee Qaranka

Mudane,

Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawlkarnimadii aad muujisay muddadii aad haysay xilka Qaranka. Waxa aan kuu rajaynayaa caafimaad taam ah iyo mustaqbal wacan.

2. Ku: Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare

Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL.

Mudane

Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawlkarnimadii aad muujisay muddadii aad haysay xilka Qaranka

Ujeeddo: Magacaabid

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa/Aqoonteeda/Kartidiisa/Kartideeda iyo Waayo Aragnimadiisa/Waaya-aragnimadeeda;

Markaan ku Qancay: Inuu Hannan karo/In ay Hannan Karto Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

1. In Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan Hoorri laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Aamina Cilmi Fariid Badeed laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Related posts

Naadiga Muqdisho City Oo la Ganaaxay, Lagu-na Amray Inay Raali-gelin Bixiyaan.(Sawiro)

Heemaall

Saldhiga Booliska Burtinle Oo la Weeraray Iyo Rasaas Wali ka Socota

Heemaall

Diyaaradii ay la Socotay ku-simaha Madaxweynaha Oo ka Degtay Boosaaso

Heemaall