Heemaal News Network
somali

M/Biixi Oo Qaabilay Wafdi ka Socday Bangiga Aduunka Oo Ay Horkacaysay Mss. Kristina.(Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa qaabiley madaxa Bangiga Adduunka u qaabilsan Somalia Kristina Svensson oo ay wehelinayso Marwo Kaltuun Xasan oo ka mid ah masuuliyiinta sar-sare ee Bangiga Adduunka.

Muuse Biixi ayaa uga xog-waramay qadiyada madax-bannaanida Somaliland oo uu xusay in horumarka uu halkan ku soo gaaray wadajirka xukuumadda iyo shacbiga

Kulankana waxa lagaga wada hadlay xoojinta xiiriirka wada shaqayneed ee labada dhinac ee Somaliland iyo Bangiga Adduunka iyo sidii loo balaadhin lahaa, loona horumarin lahaa mashaariicda horumarineed ee bangiga adduunku ka wado gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca weftiganu waxay ballan qaadeen inay dar-dar gelin ku samayn doonaan, sidii loo wada shaqaynlahaa, dedaal iyo juhdi badana ay gelin doonaan mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunku ka waddo Somaliland.

Waxaana madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiirradda wasaaradaha, Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, mudane Cumar Cali Cabdillaahi Bade, Horumarinta Maaliyadda, Dr Sacad Cali Shire, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed iyo La-taliyaha madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha, Dr Cismaan Sheekh Axmed.

Related posts

Taalibaan Oo Amaro Hor leh kusoo Rogtay Haweenka

Heemaall

Puntland Oo Gaadiid Dagaal ku Wareejisay Galmudug.(Sawiro)

Heemaall

Madaafiicdii Lagu Garaacayay Madaxtooyada Oo Khasaaro Gaarsiiyay Isbitaal Jasiira.(Sawiro)

Heemaall