M/Deni Oo Barlamaanka Somaliya ka Dalbaday In aysan Carqaladayn Heshiiska Doorashada

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Deni ayaa difaacay heshiiskii hannaanka doorashada ee dhawaan Muqdisho lagu gaaray, isagoo ku tilmaamay heshiis loogu danaynayo umadda Soomaaliyeed dowladnimadeeda.

Madaxweyne Deni ayaa hadalkaan ka sheegay kulan lagusoo dhoweynayay oo Muqdisho lagu qabtay, kaasoo ay ka qeyb galeen masuuliyiin katirsan golaha wasiiradda, golaha barlamaanka iyo guddoomiyaha banaadir Cumar Filish.

Deni ayaa barlamaanka Soomaaliya ugu baaqay in aanay carqaladayn heshiiska doorasho, isagoo sheegay in aan heshiiskaan cidna loogu darnaan.

Hadalka Deni ayaa yimid, xilli beesha caalamka ay walaac ka muujisay hannaanka doorasho ee ay ku heshiiyeen dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy